Muqdisho (Dawan)- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Jimcihi Safiirka cusub ee Dowladda Maraykanku u soo magacowday Soomaaliya Richard H. Riley.
Sida ay Villa Somalia sheegtay, Danjiraha cusub ayaa Madaxweyne Xasan la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, isaga oo ka mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay dowladda Soomaaliyeed, wuxuuna soo soo bandhigay qorshihiisa xoojinta xiriirka diblomaasoyadeed iyo wax wada qabsiga labada dowladood.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Richard H. Riley mas’uuliyaddiisa cusub, isaga oo la wadaagay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaagayso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.
Munaasabadda waxaa goob jooga ahaa Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), General Michael E. Langley, Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Arrimaha dibadda Axmed Mcallin Fiqi iyo mas'uuliyiin kale oo labada dhinac ah.

Maxaan ka naqaana safiirka cusub ee Mareykanka?
Richard H. Riley ayaa 8-dii May 2024-kii loo dhaariyay inuu noqodo Safiirka Mareykanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna horay u soo noqday La-taliyaha Arrimaha Dhaqaalaha ee Safaaradda Mareykanka ee Ottawa.
Riley wuxuu soo noqday madaxa Qunsuliyadda Guud ee Mareykanku ku leeyhay magaalada Peshawar ee Pakistan 2021-2022, isaga oo sidoo kale soo noqday sii haayaha iyo Ku Xigeenka Safiirka Mareykanka ee safaaradda Mareykanka ee Oslo, Norway (2018-2021).








