Tehran (Dawan)- Ururka Xamaas ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in la dilay madaxii dhanka siyaasadda, ee ururka, Ismaaciil Haniyeh, kadib duqeyn ay Israel la beegsatay guri uu ku sugnaa oo ku yaal caasimadda Iran ee Tehran.
Telefishinka qaranka Iran ayaa sidoo kale baahiyay dilka Ismaaciil Haniyeh loogu geystay magaalada Tehran. Warbaahinta Iran oo soo xiganaysa mas’uuliyiinta dalkaas waxay sheegtay inuu socdo baaritaan la xiriira dilka hoggaamiyihii Xamaas, iyada oo lasoo bandhigi doono dhawaan.
Markii ugu dambeysay ee muuqaalkiisa la arko waxay ahayd fiidnimadii talaadada xilli uu ka qayb gelaayay xafladdii caleema saarka madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian
Waa kuma Ismaaciil Haniyeh?
Haniyeh, oo ku dhintay da'da 58, wuxuu kasoo jeeda qoys qaxooti ah sida ay u badanyihiin jiilka Falastiin ee hadda nool, waxaana qoyskiisa si xoog looga soo barakiciyay tuulada Joura Ashkelon sannadkii 1948-kii.
Waxa uu sannadkii 1963-kii ku dhashay Xera qaxooti oo ku taalla Waqooyi-galbeed ee magaalada Gaza, isaga oo ku noola Gaza tan iyo sannadkii 2019-kii markuu u wareegay dalka Qatar.
Haniyeh waa uu ahaa aabaha 13 carruur ah, oo saddex ka mid ah ay dhawaan Israel ku dishay duqeyn ay la beegsatay bishii April ee sannadkan.
Waxbarashadiisa
Dugsiga Hoose iyo Dhexe waxa uu ku qaatay dugsiyada Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin ee UNRWA , halka uu dugsiga sare ka qaatay machadka Al-Azhar.
Haniyeh waxa uu galay Jaamacadda Islaamiga ah ee Gaza 1981-kii, isaga oo ku takhasusay suugaanta Carabiga.
Ku biiristiisi halganka xoreynta Falastiin
Ismaaciil waxa uu dhallinyaranimadiisi ku biiray garabka ardayda ee Ururka Ikhwaan Muslimiin, kaas oo markii dambe la baxay magaca hadda loo yaqaano ee Ururka Xamaas, waxaana la xiray dhowr jeer.
Markii ugu horreysay waxay ahayd 1987, wuxuuna xabsi ku jiray qiyaastii 18 maalmood. Mar labaad ayaa hadana la xiray sannadkii 1988-kii muddo 6 bilood ah.
Markii saddexaad, oo ahayd muddadii ugu dheereed, waxay ahayd 1989-kii muddo 3 sano ah, iyada oo lagu eedayay in uu hoggaamiyo garabka Hay'adda amniga ee ururka Xamaas.
December 17, 1992, ka dib markii xabsiga laga sii daayay, Israel waxay ku qasabtay Haniyeh inuu ka baxo dhulka Falastiiniyiinta, waxaana loo tarxiilay koonfurta Lubnaan isaga iyo tobaneeyo kale oo ka tirsanaa hoggaanka Xamaas ah. Muddo sannad ah ayuu ku sugnaa Lubnaan.
Dilalkii uu ka badbaaday
Waxaa la isku dayay in la dilo Ismaaciil Haniyeh dhowr jeer, waxaana isku dayadaas kasoo gaaray dhaawac sida duqeyntii ay Israel la beegsatay September 6, 2003 xilli uu la joogay Sheekh Axmed Yaasiin, aasaasihii ururka Xamaas.








