Muqdisho (Dawan)- Wasaaradaha Difaaca Soomaaliya iyo Turkiga ayaa 8-dii bishaan February Magaalada Ankara ku kala saxiixday heshiis dhanka iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ah.
21 isla bishaan ayay Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyeen maalin qura, iyada oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu saxiixay maalintii ku xigtay ee 22-ka.
Heshiiska ay sidaan deg-degga ah u meel marisay Dowladda Soomaaliya weli ma jiro mas'uul ka bixiyay faahfaahin dheeraad ah marka laga reebo in Madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay muddada heshiiska iyo inuu ka qeyb qaadan doono ilaalinata xeebaha iyo kheyraadka Soomaaliya.








