Muqdisho (Dawan)- Ugu dambeyn farriimihii way gaareen, masaajidkana wuu ka soo baxay, minbarka madaxtooyada ayuuna bulshada kala hadlay. Bal aan eegno nuxurka khubaddii madaxweyne Xasan Sheekh ee uu xalay u jeediyay dadwaynaha.
Hadaljeedin la sii duubay oo inay toos tahay loo ekeysiiyay oo 28 daqiiqo soconeysay ayuu madaxweynuhu ummadda kula hadlay.
Khudbadda madaxweynaha waxay diiradda saartay 5 qodob oo waaweyn oo muddooyinkii ugu dambeeyay kala shaki xooggan ka taagnaa:
1- Arrimaha Dhallinyarada:Madaxtooyadu waxa ay ballaminteeda ku sheegtay in madaxweynuhu ka hadli doono arrinta dhallinyarada, balse 14 % oo kaliya ayuu khudbaddiisa uga hadlay. Dhanka nuxurka madaxweyanaha waxa uu xusay in ay soo gaareen cabashooyinka dhallinyarada bajaajta ku xamaasha, balse hadalkiisii jimcaha kama uusan bixin raalli gelin iyo garowsho midnaba, waxa uu ku abaal sheegtay in toogashooyinkii ciidamadu u geysan jireen bajaajleyda ay dowladdiisu wax ka qabatay. Doodda taageerayaasha dowladda ee ah in dhallinyarada ay ka dhex hadlaayaan siyaasyiin dano kale leh madaxweynuhu waa cadeeyay.
2- Canshuurta iyo cabashooyinka ganacsatadaArrinka labaad waa Canshuurta iyo cabashooyinka ganacsatada. Madaxweyne Xasan waxa uu arrintaan dul istaagay waxa ka badan 32% isu geynta khudbaddiisa, isaga oo faahfaahin ka bixiyay nuuca canshuurta, cidda ay ku waajibeyso, is barbar dhig u sameeyay xaddiga ay dalalka kale qaadaan iyo waxa ay dowladdu ku qabaneyso canshuurta.Erayada madaxweynaha kama marneyn gooddin iyo in dowladdu aysan aqbaleynin waxa uu ugu yeeray shoobare. Shaki kuma jiro in arrinka canshuurtu ahaa dulucda hadaljeedinta madaxweynaha.











