Muqdisho (Dawan)- Qaraar xalay kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya, ayaa lagu faray Garyaqaanka Guud ee Dowladda inuu si degdeg ah uga howlgalo horgeynta Maxkamadda Sare ee Dalka dacwad ka dhan ah doorashadii ka dhacday Kismaayo ee uu ku guuleystay Axmed Maxamed Islaam. Galaha Wasiiradu waxay sheegeen in hannaanka loo maray doorasahda Jubaland uu ahaa mid baal marsan dastuurka iyo xeerka Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha iyo xeerka Ururada iyo Xisbiyada siyaasadda.
Waa maxay Xafiiska Garyaqaanka Guud Ee Dowladda?
Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda Soomaaliya waa hay’ad madax-bannaan oo ku shaqeysa waafaqsanaanta Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, gaar ahaan Qodobka 114. Xafiiskan waxaa lagu aas-aasay Xeer Lr. 18, ee soo baxay 29-kii Jannaayo 1976. Waa hay’ad muhiim ah oo u qaabilsan Dowladda talo-bixin sharci, ilaalinta danta guud, iyo difaacidda dowladda maxkamadaha hortooda.
Shaqooyinka Xafiiska
Xafiiska Garyaqaanka Guud wuxuu qabtaa hawlo kala duwan oo ay kamid yihiin:
Dacwadaha uu la tacaalo xafiiska waxay kala yihiin:








