Muqdisho (Dawan)- Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii u doortay dalalka Denmark, Greece, Pakistan, Panama iyo Soomaaliya inay ka mid noqdaan xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka muddo laba sano ah oo ka billaabmaya 1-da January ee sannadka soo socda.
Shantan dowladood waxa ay bedeli doonaa Ecuador, Japan, Malta, Mozambique iyo Switzerland, kuwaas oo waqtigoodu dhamaanayo 31 December 2023.
Xubnaha cusub waxay ku biiri doonaan xubnaha aan joogtada ahayn ee Algeria, Guyana, Kuuriyada Koonfureed, Sierra Leone, Slovenia iyo shanta xubnood ee joogtada ah kuwaas oo kala ah Shiinaha, Faransiiska, Ruushka, Boqortooyada Ingiriiska iyo Mareykanka.
Golaha Ammaanka
Golaha Ammaanka waxa uu ka mid yahay lixda qaybood ee ugu muhiimsan Hay'adaha ay ka koobantahay Qaramada Midoobay kuwaas oo kala ah, Golaha Guud ama Golaha loo dhanyahay, Golaha Ammaanka, Golaha Wasaayada, Golaha Dhaqaalaha iyo Bulshada, Maxakmadda Caddaaladda iyo Xoghaynta Guud.
Golaha Ammaanka waxa uu ka koobanyahay 15 xubnood. 5 joogta ah iyo toban aan joogta ahayn kuwaas oo ku yimaada doorasho ku dhisan hannaan qaybsi qaaradeed.
Soomaaliya waa markii labaad ee ay ka mid noqoto Golaha Ammaanka, iyada oo marki ugu horeysay ay ahayd sannadkii 1971-1972, waxaana lagu xasuustaa in ay kaalin wayn ka qaadatay difaacidda qaddiyadihii xaqa ahaa xilligaas iyo u doodidda bulshooyinkii ku hoos noolaa gumeysiga.
Golaha Ammaanku wuxuu fadhigiisii ugu horreeyay ku yeeshay 17-kii January 1946-kii ee Westminster, London. Tan iyo kulankii ugu horreeyay, xarunta joogtada ah ee Golaha Ammaanka waxay ahayd Xarunta Qaramada Midoobay ee New York. Goluhu waxa uu sidoo kale ku shiray magaalooyin badan, sida Addis Ababa, Ethiopia, 1972, Panama City, Panama, iyo Geneva, Switzerland, 1990-kii.
Shaqada Golaha Ammaanka
Sida ku cad Axdiga Qaramada Midoobay, Golaha Ammaanku wuxuu leeyahay shaqooyinka iyo awoodaha soo socda:










