Muqdisho (Dawan)- Inkasta oo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu dhawaan shaaca ka qaaday inay lagama maarmaan tahay in wada hadal nabadeed lala yeesho kooxda Al-Shabaab, isaga oo caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay arrinkaas ayaa hadana waxaa soo baxaya shuruudaha ay dowladdu hordhigayso kooxada Al-Shabaab.
La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Sheekh Cali oo arinkaan ka hadlay ayaa caddeeyay inasyan jirin wax wada hadal ah oo hadda u socda labada dhinac, taas oo meesha ka saartay warar sheegayay in ay jiraan wadaxaajood u billaawday dowladda iyo Al-Shabaab.
La-taliyaha Amniga Qaranka ayaa soo bandhigay shuruudaha ay dowladdu kula fadhiisaneyso Al-shabaab miiska wada hadalka, isaga oo sheegay inay lagama maarmaan tahay in Kooxdu ay xariga u jarto xiriirka ay la leeyihiin kooxaha argagixisada caalamiga ah.
Sidoo kale, wuxuu Al-Shabaab hordhigay shardiga ah in ay aqbalaan midnimada dhuleeed ee Soomaaliya iyo in ay diyaar u noqdaan in ay qaab nabadeed ugu soo biiraan siyaasadda dalka.
Madaxweyne Xasan oo bartamihii bishaan June khudbad ka jeediyay madasha Oslo Forum ee dalka Norway, ayaa sheegay inaysan jirin wax muujinaya in Al-Shabaab diyaar u tahay xilligaan wadaxaajood balse dhinaca dowladdu ay markasta diyaar u tahay wadahadal dhab ah.
Madaxweynaha oo arrintan ka hadlaya ayaa yiri; " “Waxaan rumeysannahay in dhamaadka Al-Shabaab uu yahay wadaxaajood. Goorma? marka ay diyaar noqdaan. Shalay iyo kasii hor waxaan ahayn diyaar, balse waxaan weli rajeyneynaa in ay diyaar noqdaan. Marka ay diyaar noqdaan waxaan la geli doona wadaxaajood”








