Muqdisho (Dawan)- Dhowr dal oo ka mid ah dalalka ay ciidamada nabad ilaalinta ah ka joogaan Soomaaliya ayaa ayaa walaac xooggan ka muujiyay qaabka ay dowladda Soomaaliya u martay codsigeeda ah in la hakiyo hannaanka bixitaanka ciidamada ATMIS.
Sargaal codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay hareer martay hay’addii ku habooneyd ee iska lahayd mas’uuliyadda arrintaan.
Sargaalka ayaa ku dooday in ay ahayd in codsiga hakinta bixintaanka ciidamada loo diro Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika oo ah hay’adda u xilsaaran daad gureynta Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, balse loo gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo ah tillaabo lagu hareer maray hay'addii ku shaqada lahayd .
“Warqaddaan ma ahayn in loo diro Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee waa in lala socodsiiyo hay’adda loo igmaday oo ah Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika oo leh mas’uuliyadda ciidamada ATMIS” ayuu yiri sargaalka.
Sargaalka ayaa intaas ku daray in codsigaan oo kale ay aheyd in uu soo gudbiyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ama mas’uul ka sarreeyo, kadibna safaaradda Soomaaliya ee Addis Ababa ay fududeyso soo gudbinta codsigaan oo loo maro hab diblomaasiyadeed oo sax ah.
Mas’uulkan ayaa ku eedeyay dowladda Soomaaliya in aysan ku soo gudbin codsiga waqtigii loogu talagalay, isagoo sheegay in dhowr toddobaad ay ka harsan tahay xilliga la dhimayo ciidamada nabad ilaalinta, isaga oo yiri.
“Ma ahan inaad hurdada kasoo toosto toddobaad ka hor bixitaanka ciidamada. Waa inaad ogeysiisa dalalka soo diray ciidamada. Maxaad ula tashan weyday mas’uuliyiinta Midowga Afrika ee ka howlgala Muqdisho inta aadan qorin codsiga?"
Sargaalka ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay in tillaabada ay qaaday dowladda Soomaaliya ay ka dhalan doonto dhibaato xagga amniga ah oo ay ka faa’iideysato kooxda Al-shabaab.
Dowladda Soomaaliya ayaa u dirtay Qaramada Midoobay codsi lagu hakinayo bixitaanka 3,000 oo askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika muddo seddex bilood ah.
Codsigaan ayaa lagu sababeeyay in Ciidanka Xoogga Soomaaliya u baahanyahay soo kabasho iyo waqti si dib isagu abaabulaan oo ay usii wadaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.





