Muqdisho (Dawan)- Buuq ayaa hareeyey kulan wadajir ah oo lahaayeen isbuucaan Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya taas oo keentay in gabi ahaanba ay joogsato shaqadii Baarlamaanka.
Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu waday in ay si wada jir ah uga doodaan Xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2024-ka iyo Xisaab xirka Sanad Maaliyadeedkii 2022-ka.
Kulanka waxaa shir gudoominaayay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi maadaama uu dalka ka maqanyaahy Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur .
Wax yar kadib markii la furay kulanka ayaa waxaa hoolka hareeyay buuq iyo gacan ka hadal ay sameeyeen qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka.
Guddoonka Aqalka Sare ayaa warsaxaafadeed kasoo saaray buuqii ka dhacay fadhiga Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya taas oo sababtay in uu qabsoomi waayo kulankii lagu ballansanaa, iyaga oo iska fogeeyeen in ay qeyb ka ahaayeen buuqii hareeyay kulanka Labada Gole, waxayna ku baaqeen in xal deg-deg ah laga gaaro wixii dhacay.
Maxaa keenay buuqa?
Xog uu helay TV-ga Dawan ayaa tilmaameysa in, in ka badan 150 xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka in ay codsadeen mushaar kordhin.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa hadda mushaar ahaan u qaata $3,800 waxa ayna doonayaan in loogu daro $3000 taas oo ka dhigeeysa mushaarkooda $6000.
Waxaa la filayaa in Golaha Wasiirada ay ku laabtaan miisaaniyadda si mushaarka xildhibaanada looga dhigo $5,000, sid aan xogta ku helnay.
Haddi aan la kordhin mushaarka ay codsanayaan xildhibaanada, waxaa dhici karta in xildhibaanadu aysan meel marin miisaaniyadda taas oo sababi karta in gabi ahaanba ay istaagto shaqada dowladda waxeyna noqon doonta markii ugu horeeysay ee ay dhacdo tillaabo nuucaan ah.
Ma ahan wax ku kooban xildhibaanada Soomaaliya in la dalbado mushaar kordhin ee waa arrin jirta in xildhibaanada ama madaxda sare ee dalalka dunidu dalbadaan in loo kordhiyo mushaarka ay qaataan balse waxa ay su'aashu tahay goorma iyo sidee ayay u dalbadaan?
Goorma ayay Labada Gole yeeshaan kulan wada jir ah?
Ma jiro sharci qeexaya oo la raaco, balse habraaca kulanka waxaa jaangooya is afgarad dhex mara labada guddi ee joogtada ah iyada oo loo fiirinayo hadba waxa suurtagalka ah.








