Muqdisho ( Dawan)- Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si wada jir ah u meel mariyay "Habraaca Ansixinta Wax ka beddelka Dastuurka" oo buuq badan ka taagnaa maalmahii lasoo dhaafay.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku dhawaaqay in kulanka ay sgoob joog ahaayeen 210 Xildhibaan oo isagu jira labada Aqal, iyada oo 180 Xildhibaan ogolaadeen "Habraaca Ansixinta Wax ka beddelka Dastuurka" halka ay 30 Xildhibaan diideen.
Muxuu yahay Habraaca Ansixinta Wax ka beddelka Dastuurka?
Habraaca Wax-ka-beddelka Dastuurka waa xeer-hoosaadka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee tilmaamaya hannaanka kulamada wadaagga ah ee labada aqal maadaama uusan jirin xeer-hoosaad maamulaya kulamada labada Aqal ay wadaagaan.
Habraacan wuxuu nidaaminayaa doodda xildhibaanada oo ah inta xildhibaan kastaa uu fikradiisa ka dhiiban karo oo ah daqiiqadaha ku xusan xeer-hosaadka labada Aqal, shir-guddoonka kulamada wadajirka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo habraaca loo marayo ansixinta wax-ka-beddelka soo jeedimaha wax-ka-beddelka oo ah saddex meelood labo meel (2/3) tirada guud ee xildhibaanada Golaha Shacabka iyo saddex meelood labo meel (2/3) tirada guud ee xildhibaanada Aqalka Sare si waafqsan Qodobka 136 (1) ee Dastuurka Kumeel Gaarka ah.
Maxay yihiin Qodobada ugu muhiimsan?
Qodobka 2-aad: (1) Guntanka kulamada wadajirka laba Aqal ee gaarka ah wuxuu ku qabsoomayaa in ay goobjoog yihiin boqolkiiba kontan iyo hal dheeri ah (50%+1) tirada guud ee Aqal kasta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.(4) Inta ay socdaan kulamada wadjirka u gaarka ah ka doodista iyo ansixinta soojeedimaha Dastuurka, Shir-guddomiyaha kulamada wadajirka ah ma yeelanayo cod aan ka aheyn marka codadku ay bar-bar dhac noqdaan.
Qodobka 4-aad: (1)- Soojeedimaha wax-ka-bedelka Dastuurka waxaa looga doodayaa cutub cutub ama qodobo(3) xildhibaan kasta wuxuu qodobka/qodobada laga dooddayo fikradiisa ka dhiiban karaa hal mar, hadii aan gudoonku si kale u go’aansan, hadal-jeedintiisuna kama badnaan karto 10 daqiiqoQodobka 5-aad: (4)- Guddoonku haddii uu u arko in: (b) codsiga soojeedinta uu oggolaado, wuxuu qoraalka soojeedinta wax ka beddelka u bandhigayaa kulanka wadajirka ah ee labada Aqal, iyadoo horta loo codeynayo soojeedinta wax-ka-beddelka; haddii soojeedintu hesho taageero aqlabiyad boqolkiiba kontan iyo hal dheeri ah (50%+1) tirada guud ee xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya , waxaa toos loogu darayaa nuqulka kama dambeysta ah ee Dastuurka ee sugaya ansixinta; haddiise ay taageero weyso waxaa sidaas ku ansaxaya qormada asalka ah ee Baarlamaanka la horkeenay.
(5)- Cutub ama Qodobo kasta oo ka doodistiisu soo idlaato inta aanu u gudbin ansixinta kama dambeysta ah, wuxuu ku gudbayaa aqlabiyad boqolkiiba kontan iyo hal dheeri (50%+1) tirada xildhibaanada goobjooga ah ee codeynaya.








