Muqdisho (Dawan)- Heshiiska loogu magacay Abraham Accords waa taxane heshiisyo diblomaasiyadeed oo loogu tala galay in lagu wanaajinayo xiriirka Israa’iil ay la leedahay dalal Carbeed, kuwaas oo la saxiixay sanadkii 2020, iyada oo ay garwadeen ka ahayd dowladda Mareykanka xilligii hore madaxweyne Donald Trump.
Heshiisyadan ayaa markii ugu horreysay qarnigan 21-aad si aan gambasho lahayn u muujiyay mowjad cusub oo caadi looga dhigayo xiriirka ka dhaxeeya wadmada Carbeed iyo Israa’iil.
Heshiisyada Abraham, waxaa markii hore saxiixay Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn, waxaana markii dambe ku biiray Suudaan iyo Marooko. Magaca “Abraham” (Ibraahim) ayaa loo doortay heshiisyadan iyadoo laga duulayo wadaagista diimeed ee Yuhuudda, Masiixiyiinta iyo Muslimiinta, kuwaas oo dhammaantood ku abtirsada Nabi Ibraahim CS.
Maxay yihiin qodobbada ugu muhiimsan heshiisyada Abraham?
Heshiisyadan waxay dhigayaan in la sameeyo xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa, isdhaafsi safaaradeed, iskaashi dhaqaale, ganacsi, amni iyo mid tiknoolajiyadeed. Waxa kale oo ay xoojinayaan wada-hadallada diimaha, dalxiiska, duulimaadyada tooska ah, iyo iskaashi ballaaran oo dhinacyo badan leh.
Dadka naqdiya heshiisyadan waxa ay ku doodayaan in loogu tala galay in la bedelo caqiiqdada shucuubta Carbeed oo waligood aaminsanaa in Israel ay tahay cadawgooda koowaad iyo gumeysi.
Midowga Culimada Muslimiinta oo ka digay heshiiska Abraham
Midowga Caalamiga ah ee Culimada Muslimiinta ayaa ka digay, waxa uu ku tilmaamay “fikradda diinta Ibraahimiga ee cusub” ee lagu xayeysiinayo in ay mideyso Islaamka iyo diimaha kale, isagoo sheegay in ay tahay fikrad baadil ah oo ka hor imaneysa tiirarka caqiidada Islaamka ee ku dhisan towxiidka iyo kali ahaanshaha cibaadada Alle.








