Muqdisho (Dawan)- Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo shalay isagu yimid kulan deg-deg ah ayaa meel mariyay xeer lagu burinayo heshiiskii is-afgradka Badda ee Magaalada Addis Ababa ku dhax maray Dowladda Itoobiya iyo Somaliland.
Qaraarkaan ayaa waxba kama jiraan ka dhigaya heshiiska, maadaama aan loo marin hannaanka sharciga ah ee waafaqsan Dastuurka Soomaaliya iyo Xeerarka Caalamiga ah, maadaama ay Soomaaliya aaminsantahay in Somaliland tahay qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed
Todobada qodob ee Xeerku ka kooban yahay ayaa kala ah :
Qodobka Kowaad:
Heshiiskii is-afgarad ee dhexmaray Dowladda Ethiopia iyo Somaliland ee Jannaayo 1, 2024 lagu gaaray magaaladda Adis Ababa, waa waxba kama jiraan aan lahayn saldhig sharciyadeed, maadaama uu ka hor imaanayo Dastuurka Dalka, Shuruucada Caalamiga ah oo ay ka mid yihiin Axdiga Qaramada Midoobay, Axdiga Midowga Afrika iyo Xeerka lagu aasaasay Urur Goboleedka IGAD, iyo Qaraarrada Caalamiga ah ee Golaha Ammaanka oo xeerinaya madaxbannaanida Dalka, iyo Xeerka Maalgeshiga Shisheeye Soomaaliya iyo shuruucda kale ee dalka u degsan.Qodobka Labaad:
Heshiis kasta oo Caalami ah waxaa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u geli kara oo keliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed ayadoo sharci ahaan loo soo marsiinayo Hay’adda Sharci dejinta JFS uuna Madaxweynaha JFS ku meelmariyo xeer madaxweyne si waafaqsan Qodobka 90(q) ee Dastuurka KMG ah laguna soo saaro Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Qodobka Seddexaad:
Heshiis kasta oo lala galo dowlad ama hay’ad kale oo shisheeye oo ka hor imanaya Dastuurka Federaalka waa waxba kamu jiraan aan sharciyad lahayn.
Qodobka Afaraad:










