1) Heshiis Is-afgarad oo ku saabsan Iskaashi una dhexeeya Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda Jamhuuriyadda TurkigaLabad dhinac waxay ka wada shaqeynayaan sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga arrimaha soo socdo:A. Isweydaarsiga macluumaadka ku saabsan arrimaha sharciga.B. Taageeridda tababarka xubnaha xirfadleyaasha sharciga iyo kaaliyeyaasha garsoorka.C. Sameynta kaabeyaasha tiknoolojiyadda macluumaadka ee maxkamadaha iyo qeybaha la xiriira.D.Horumarinta awoodda xabsiga iyo tababaridda shaqaalaha xabsiga.E. Kobcinta awoodda Garsoorka.
2) Heshiiska Is-gargaarsi sharciyeed oo quseeya arrimaha soo socda:A. Dhinacyadu waxay ku tallaabsanayaan in ay isu huraan isgargaarsi sharciyeed ee arrimaha fal-dembiyeed, si waafaqsan axkaamta heshiiskan iyo sharciga gudaha ee dhinaca lagacodsaday.B. Is-gargaarsi sharciyeed ee arrimo fal-dembiyeed waxaa ka mid ah:I. Sameyn adeeg dokumentiyo;II. Baaris, qabasho iyo la-wareegid ku xiran in ujeeddada dhaqan ee codsiga uu ka dhalanayo xad-gudub si waafaqsan shuruucda labada Dhinac;III. Baaris goob dembi, baaritaan xeel-dheere, wareysi eedaysane iyo la-tuhme iyo dhegaysi cabasho qabeyaal, markhaatiyo iyo xeel-dheereyaal;IV. Gudbin diiwaanno fal-dembiyeed, macluumaad iyo dokumentiyo caddeymeed;V. Tilmaansi iyo aqoonsi shakhsiyaadVI. Gargaarkii kale ee ay oggolaanayaan shuruucda gudaha ee dhinaca laga codsaday.C. Gargaar sharciyeed waxaa lagu bixinayaa iyadoon loo eegin in dhaqanka dhaliyey codsiga uu yahay mid la ciqaabi karo si waafaqsan shuruucda labada Dhinac.
3) Heshiis dhiibid dembilayaal oo quseeya arrimaha soo socda: