Jabuuti (Dawan)- Geeska maqaayad u gaar ah cuntooyinka Badda, waxaa fadhiya afar badmaax oo Japan u dhashay, waxa ay ku mashquulsanyihiin taleefanadooda gacanta. Bartmaha maqaayadda waxa cunto fudud ku cunaya laba dumar ah oo u dhashay dalka Faransiiska, halka miisaska kalena ay fadhiyeen ajaanib kasoo kala jeeda dalal kala duwan, kuwaas oo intooda badan ka howl gala xarumaha ciidamada shisheeye ee ku yaala magaalada Jabuuti.
Axmed Cabdi waa kabalyeeri ka howl gala maqaayadda, waxa uuna marba tegaya miis ka mid ah miisaska isaga oo ku hadlaya luqado kala duwan si uu macaamiisha uga qaado dalabkooda.
Waxaa dadka soo jiidanaya cimaamadda ay caanka ku yihiin dadka reer Falastiin (Koffiyeh) ee garabka u saaran. Marka la weydiiyo sababta uu u xirtay , waa uu ka cudur daarnaya inuu ka bixiyo jawaab balse waxa uu calaamadda guusha ku muujinaya farahiisa ( farta dhaxe iyo murusatada)
Axmed kaliya ma aha ee reer Jabuuti waxay siyaabo kala duwan u muujiyeen garab istaagooda iyo taageerada ay u hayaan Falastiiniyiinta, iyada oo si rasmi ah ay Dowladda Jabuuti u qaadatay mid ka mid ah go’aanada ugu adag Afrika ee lagu taageray Falastiin
Gargaar xaq ah
Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti , Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in dalkiisu uusan cambaareynin weerarrada Xuutiyiinta, sababtoo ah waxay u arkaan inay yihiin gargaar xaq ah oo loo fidiyay Falastiiniyiinta, isaga oo tilmaamay in aysan ka qeyb qaadan doonin isbaheysiga uu Mareykanku ku dhawaaqay ee Badda Cas.
Ra’iisul Wasaare Cabdulqaadir Kaamil ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dalkiisu diiday codsigii Mareykanka ee ahaa in lagu rakibo dhulkooda gantaalo lagu bartilmaameedsado Xuutiyiinta Yemen.Jabuuti ayaa ku dhawaaqday inay si buuxda u taageersan tahay dacwadda ay Koonfur Afrika ka gudbisay Israa'iil ee la horgeeyay Maxkamadda Caddaaladda Adduunka.
Hase yeeshee, Jabuuti waxay muujisay dhowr jeer cabsida iyo walaaca ay ka qabto in xiisadda Badda Cas ay saameyn xun ku yeelato shaqada dekedaheeda, oo ah mashiinka ugu muhiimsan ee dhaqaalaha dalka.
Jabuuti waxay xoogga saartay dekedaheeda tan iyo bishii May 1998, markaas oo Ra'iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi uu go'aansaday inuu dhammaan badeecadaha dalkiisa u wareejiyo dekedda Jabuuti kadib markii ay dagaalkii Eritrea ku waayeen dekaddii Assab .
Soddonkii sano ee la soo dhaafay, Jabuuti waxa ay dhaqaale badan ku bixisay horumarinta kaabayaasha dekedaheeda, hadana waxa ay leedahay shan dekedood oo lagu tiriyo kuwa ugu horumarsan qaaradda Afrika, iyada oo sidoo kale hirgelisay waddooyin waaweyn iyo tareennada korontada ku shaqeeya ee isku xira dalka ay deriska yihiin ee Itoobiya.
Welwelka xiisada Badda Cas
Xafiis ku yaal dekedii hore ee Jabuuti, ayuu madaxa dekedaha iyo aagagga xorta ah, Abuubakar Cumar Haadi, ku mashquulsanyahay inuu la hadlo wakiilo ka socda shirkado shisheeye.
Haadi ayaa dhawaan u guuray xafiiskiisa cusub, kadib markii xeebaha dalka laga dhisay hoteelo badan, goobo dalxiis, xarumaha shirkadaha iyo hay’adaha aan dowliga ahayn, iyada oo sidoo kale ay ku yaalan tiro saldhigyo ciidan ah oo lagu xayndaabay dhagxaan shub ah iyo siligyo.









