Muqdisho (Dawan)- Sida uu dhigayo qodobka 17-aad ee sharciga doorasahda lasoo bandhigay, muddada xil-haynta Madaxweynaha iyo hay'adaha kale ee ku yimaada doorasho waa shan (5) sano oo ka billaabmata maalinta loo dhaariyo xilka, hadana sidaas oo tahay waxaa jira qodob kale oo loo fahmi karo in madaxda mudda xileedka ka dhamaaday ay kusii joogi karto.
Qodobka 74-aad waxaa loogu magac daray; dib-u-dhaca doorashooyinka, iyada oo la tixay duruufaha keeni kara in dib loo dhigo doorashooyinka dalka.
Duruufaha adag ee ku xusan faqrada 2-aad ee qodobka 74-aad waxaa ka mid ah nabadgelyo darro baahsan oo dalka oo dhan ka dhacda ama qaybo ka mid, aafooyinka dabiiciga ah sida dhul-gariirka, cudurrada faafa, abaaro baahsan, fatahaadaha webiyada, duufaanta iyo waxkasta oo lagu tilmaami karo musiibo Qaran.
Intaas waxaa lagu daray in dib u dhaca doorashooyinka ay sababi karto dhibaato dhanka farsamada ah oo caqabad ku noqon karta qabsoomidda doorashooyinka.









