Nairobi (Dawan)- Dhammaadka sannad kasta, waxaa soo baxa sheekooyin dhiirrigelin leh oo ku saabsan dad ficilladooda bini’aadantinimo ay saamayn ballaaran kaga tageen bulshada. Sheekooyinkaas waxaa ka mid ah qisada Caa’isha Dafalla, oo noqotay haweeney si geesinimo leh ugu hibeysay nolosheeda badbaadinta nolosha dad badan, kuna mutaysatay in loo aqoonsado haweeneyda ugu dhiig deeqid badan dalka Kenya.
Safarka Caa’isha ee ku saabsan ku-deeqidda dhiigga wuxuu billowday iyadoo weli ah ardayad dugsiga sare dhigata. Sida arday badan oo kale xilligaas, waxay ku biolwoday xiiso ardaynimo iyo dhiirrigelinta lagu helo waxyaabo fudud sida helidda cunto iyo cabitaan kooban oo la siiyo ardayda ka qeyb qaadata howlaha loogu adeegayo bulshada. Arrinta waxay nafteeda ku abuurtay walwal, iyada oo u cabsatay badqabka nafteeda, taas oo sababtay inay joojiso ku-deeqidda dhiigga muddo ku dhow shan sano.
Shakigaas waxa uu dhammaatay sanadkii 1986, markii saaxiib u dhow uu gargaar degdeg ah u raadsaday. Walaalkiis ayaa galay shil gaari oo halis ah, waxaana si degdeg ah loogu baahday dhiig. Caa’isha oo arrintaas xasuusaneysa waxay tiri: “Xaaladdu waxay ahayd mid quus ah, mana aanan awoodin inaan ka jeesto. Waxaan go’aansaday inaan qaato go'aan halis ah.”
Ku-deeqiddaas way guulaysatay, waana markii ugu horreysay ee ay Caa’isha si dhab ah u fahantay in dhiigga ay bixisay uu noqon karo farqiga u dhexeeya nolol iyo geeri. Laga bilaabo maalintaas, waxay xanbaartay farriin nolosheeda oo idil ah.
Waxay ballan la gashay nafteeda inay dhiig ku deeqdo saddex jeer sanadkii, iyada oo aan ka raadineyn wax faa’iido ah ama dhiirrigelin ay ka hesho meelo kale. Inkastoo dad badan ay joojiyeen ku-deeqidda markii ay waayeen waxyaabihi ay ku heli jireen , Caa’isha waxay ku adkaysatay go’aankeeda, maadaama ay aaminsaneyd in naf kasta oo la badbaadiyo ay mudan tahay dadaal joogto ah.









