Muqdisho (Dawan)- Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa bog cusub ka geli doona taariikhda dalka haddii uu ku guuleysto inuu ansixiyo wax ka bedelka Dastuurka kumeel gaarka ah ee dhameystirkiisu soo jiitamayay muddada dheer.
Baarlamaanka ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka doodayay dhameystirka Dastuurka kumeel gaarka ah gaar ahaan cutubyadiisa 1-aad, 2-aad, 3-aad iyo 4-aad si ugu dambeyn loo ansixiyo Dastuur rasmi ah uu dalku yeesho.
Yaa ansixyay Dastuuradii dalka soo maray?
Tan iyo markii dhidibada loo taagay dowladniamda casriga, Soomaaliya waxa ay yeelatay dhowr Dastuur kuwaas oo ansixintoodana loo maray waddooyin kala duwan.
Anxisinta Dastuurka marka ay timaado, waxaa lagama maarmaan ah in uu jiro Gole sharciyad u heysta meelmarinta Dastuurka kaas oo noqon jiray marka la eego sooyaalka Soomaaliya (Wakiilada Baarlamanka markaas jira, Gole ka kooban ergo si gaar ah loo soo xulay ama isku dhafka labadooda).
Tusaale ahaan Dastuurkii 1960-kii, waxaa ka dooday sidoo kalena ansixyay isku dhafka Baarlamaankii xilligaas iyo ergo bannaanka ka timid.
Dastuurkii 1979-kii, waxaa meelmariyay kaliya ergo laga soo xulay qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaas oo tiradoodu ahayd 800, oo qof.
12 October 1990, Xubnihii Baarlamaanka ee joogay xilligaas ayaa ansixyay Dastuurkii 1990-kii.
Dastuurka ku meel gaarka ah ee hadda la doonayo in la dhameystiro, waxa uu ahaa Axdi qarameed, waxaana ansixiyay Gole loogu magac daray " Golaha Metelaadda Qaran" oo ka koobnaa 825 ergo taariikhdu marka ay ahayd 1-dii Augusto 2012.
Qaabkee loo mari doonaa ansixinta Dastuurkan dooddiisu socoto?
Habraaca Wax-ka-beddelka Dastuurka ee la ansixiyey January 24, 2024 wuxuu dhigayaa in labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay leeyihiin Ansixinta Wax ka beddelka Dastuurka.








