Muqdisho (Dawan)- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku guuleystay 62 kun oo doollarka Mareykanka ah, kadib tartan Quraan aqris ah oo lagu weyneynayay bisha barakeysan Ramadaan oo Muqdisho lagu qabtay.
Haa, waa sida ka soo muuqatay sawirrada munaasabad abaal marino lagu guddoonsiinayay tartamayaasha Quraanka kariimka oo madaxtooyada ka qabsoontay.
Maaxweynaha, Wasiirkiisa Awqaafta iyo tartamayaahsa ayaa ka soo muuqday iyaga oo kor u sida jeeg uu magaca madaxweynaha ku qoranyahay oo muujinaya inuu isagu yahay qofka lacagta la siinayo.
Arrinkan ayaa baraha bulshada ka abuuray hadal heyn xoog leh iyada oo bulshadu su’aalo iska weydiisay.
Qoraalka rasmiga ah ee sawirrada ku lifaaqan ayaa muujiyay abaalmarinta la siiyay carruur ku guuleystay 7-da kaalimood ee ugu horreysa tartanka Quraanka oo kala helay abaalmarino u dhaxeeya 20 kun ilaa 3 kun oo doolar, balse waxaa dhacay farsamo xumo dhanka habmaamuuska ah oo si qaldan magaca madaxweynaha loogu daabacay jeegagga tusaalaha ah.









