Tehran (Dawan)- Kadib markii uu madaxweynihii Iran, Ibraahim Raisi ku geeriyooday shil diyaaradeed 19-kii bishii May, 2024, waxaa warbaahinta kala duwan iyo social media dalkaas qabsaday qisada namber-ka 8-aad iyo sida uu xiriirka ula lahaa nolosha Raisi.
Madaxweynihii 8-aad ee Iran
Intii lagu jiray ololihii doorashada ee 2021, Raisi wuxuu had iyo jeer isku magacaabi jiray "Imaamka siddeedaad," oo macnaheedu yahay Cali bin Muusa Al-Rida, oo ah imaamka siddeedaad ee Shiicada, isaga oo ugu dambeyn ku guuleystay doorashadii sidaasna ku noqoday madaxweynihii siddeedaad ee dalka Iran kadib kacaankii dalkaas ee dhacay 1979.
Marka la eego natiijada doorashadaas , Raisi wuxuu helay ku dhawaad 18 milyan oo cod, iyada oo dadka ka qayb qaatay ay gaarayeen qiyaastii 48.8%, waxaana la caleema saaray bishii 8-aad ee sanadka 2021.
Intii uu ku guda jiray ololihiisa doorashada, Raisi waxa uu la kulmay xiddigo badan oo kubadda cagta ah, wuxuuna ka qayb qaatay daawashada ciyaarihii koobka Asiya ee 2021, isaga oo ballan qaaday inuu taageeri doono hormarinta ciyaaraha dalka. Arrintaas waxa uu ku muteystay in loo hadiyeeyo Fannaanida xulka qaranka Iran oo lagu qoray magaciisa iyo namber 8.









