Soomaaliya 6 October 2025 — Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa 1-da Oktoobar 2025 si rasmi ah u ansixiyey Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Barwaaqada Carruurta (ACRWC), tallaabo loo arko mid dalka u dhoweyneysa heerarka Afrikaanka ee ilaalinta xuquuqda carruurta iyo sharciyada caalamig ah.
Xeerkan ayaa helay 130 cod oo oggolaansho ah, 10 diidmo, iyo 5 ka aamusid ah, waxaana hadda la filayaa in loo gudbiyo Golaha Aqalka Sare si uu u meel mariyo kahor inta aanu sharci rasmi ah noqon.
“Xeerka waxa uu faaiida u leeyahay caruua soomaliyeed qaasatan caruunta afrika waxaan rajeenaa hormar iyo barwaaqo lagu gaari doono” ayeey tiri xildhibanad Luul Ibraahim Daafeedow.
Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Khadija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa ku sheegtay bayaan qoraal ah in ansixintu tahay “guul weyn oo u horseedi doonta carruurta Soomaaliyeed fursado iyo ilaalin wanaagsan.”
Wasaaraddu waxay ku tilmaantay sharcigaan mid muujinaya isku duubni qaran iyo u heellanida ilaalinta xuquuqda carruurta, iyadoo ballanqaadday in la shaqeyn doono hay’adaha kala duwan si axdigan loogu beddelo tallaabooyin wax ku ool ah, gaar ahaan dhanka waxbarashada, caafimaadka, iyo ilaalinta carruurta nugul.
Axdigan oo ay Ururkii Midowga Afrika (OAU) ansixiyay 1990, waxa uu dammaanad qaaday xuquuqaha nolosha, waxbarashada, xorriyadda, iyo ilaalinta carruurta.
Markii Soomaaliya ay ansixisay, waxay noqotay dalka 52-aad ee xubnaha Midowga Afrika ee ku biira heshiiskan.
Maxay Qodobada Axdigu Dhigayaan?
Axdiga Afrika ee Xuquuqda Carruurta (ACRWC) wuxuu ka kooban yahay 52 qodob, kuwaas oo dammaanad qaaday xuquuqda ilmaha Afrikaanka. Qodobadaas waxaa ka mid ah:
Axdiga ka calaamee ama hasoo hormana axdiga waan kuu spo diray
• Qodobka 9 – Xorriyadda fikirka, damiirka iyo diinta: Ilmaha wuxuu xaq u leeyahay inuu haysto diinta uu rabo, isagoo waalidka ama masuulkiisu ku hagi kara si waafaqsan dantiisa.
• Qodobka 10 – Ilaalinta nolosha gaarka ah: Carruurta waa in la dhowraa noloshooda iyo asturnaantooda, waalidka ama hay’ad kalena aan si aan sharci ahayn u faragelin karin iyadoo shirciga uu masuul ka yahay.
• Qodobka (21) – Guurka iyo Alkumidda carruurta: Waa mamnuuc in qof ka yar 18 sano lagu guursado ama uu guursado.
• Qodobka (24) – Korsashada (Adoption): Carruurta la korsanayo waa in la raaco nidaam sharci ah, waxaana la oggol yahay korsashada caalamiga ah oo saameynaysa dhalashada haddii ay danta ilmaha tahay.








