Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay go'aan lagu mamnuucayo Walxaha ka sameysan bacaha la isticmaalo halka mar laga bilaabo 30 June 2024, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka cimilada.
Sida lagu caddeeyay war-saxaafadeedka, Wasaaradda ayaa wada watashiyo la sameysay rugta ganacsiga Soomaaliyeed iyo khubaro aqoon sare u leh arrimaha ilaalinta deegaanka si looga hortago saameynta ay bacdu ku yeelan karto nolosha dadka iyo deegaanka.
Wasaaraddu waxa ay sheegtay in laga billaabo 30 June ee sanadkaan ay macnuuc tahay ka ganacsiga bacaha halka mar la isticmaalo, soo dajinta, ku farsameynta dalka, iyada oo looga digay dukaamada iibiya, iyo bulshada adeegsata.
Wasiirku waxa uu soo saaray; "in gabi ahaanba Soomaaliya laga joojiyo soo dejinta, dhoofinta, soo saarista, ka ganacsiga iyo isticmaalka bacaha fudud ee halmar la isticmaalo, laga billaabo 30-ka June 2024", ayaa lagu yiri, go'aanka kasoo baxay Wasaaradda

Isticmaalka bacaha ayaa dhibaato ba’an ku haya dunida maanta iyada oo ay jiraan wadamo mamnuucay isticmaalkeeda.
Waxaa ka jira Soomaaliya dhowr Warshadood oo haraadiga bacaha ka sameeya waxyaabo kala duwan sida dhagxaanta lagu dhiso wadooyinka ee loo yaqaano inter looga oo ka qeyb qaatay bilicda iyo muuqaalka waddooyinka balse qashinka ka dhashay adeegsiga badan ee bacaha ayaa dhibaato ku haya nadaafadda guud ee deegaanka, nolosha dadka iyo xoolaha oo mararka qaar cuna kadibana ay dhibaato kasoo gaarto.
Dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ayaa looga fadhiya in ay beddelaan fahamka ay bulshadu ka heysato ilaalinta deegaanka iyo in ay dhaqan geliyaan amarka lagu mamnuucay isticmaalja bacaha, sida ay qabaan khurada dhanka deegaanka.
"Bac beddelkeeda waxaan isticmaali lahaa, waxyaabaha ka sameysan geedaha oo kale, sida dambiisha oo hore loo isticmaali jirtay, oo ahayd dhaqankii hore iyo waxyaabo adag oo wax lagu qaadan karo" ayay tiri, Asra Maxamed oo ka deggan Muqdisho.

Joojinta adeegsiga bacaha ayaa ka qeyb qaadan doona nadaafadda deegaanka iyo in ay bulshado u laabto isticmaalka alaabaha wax lagu qaato ee gacan sameyska ah sida selledaha iyo qaar kale oo ay dadka Soomaaliyeed isticmaali jireen.
Dhaqan galka mamnuucida bacda halka mar la isticmaalo ayaa adag marka loo eego dal burburay in ka kabadan 30 sano kahor, bulshadiisana ku dhawaad 48 % ay tahay reer miyi , iyada oo ay sidoo kale Wasaaradda Deegaanka iyo isbeddelka cimiladu ay tahay Wasaarad ku cusub Golaha Wasiirada iyo hay'adaha Dowladda.










