Muqdisho (Dawan)- Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay inuusan jirin sharci u ogolaanaya dadka caan ka ah baraha bulshada, oo ay ku jiraan Tiktokarrada, qaadashada baasaboorka diblomaasiga ah, isagoo caddeeyay in arrintaasi si toos ah uga hor imaneyso sharciga dalka u yaal.
Hadalkan ayuu wasiirku uga jawaabay su'aal ahayd Tiktokarrada Xaq ma u leeyihiin Baasaboor Dublamaasi ah? xilli uu marti ku ahaa Miizaan Podcast oo ka baxa Dawan Tv, isaga oo sharraxaad ka bixiyay dadka xaqa u leh inay qaataan Baasaboor Dublamaasi ah.
Wasiirku waxa tilmaamay inuu jiro sharci uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ansaxiyay sanadkii 2024, kaas oo si cad u qeexaya cidda xaqa u leh baasaboorka diblomaasiga, isla markaana aan marnaba lagu darin dadka caan ka ah baraha bulshada.
Sida uu wasiirku tilmaamay, sharcigu wuxuu oggolaanayaa illaa 11 kooxood oo gaar ah inay qaataan baasaboorka diblomaasiga ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo qoyskiisa, Ra’iisul Wasaaraha iyo qoyskiisa, Golaha Wasiirrada, Xildhibaannada Baarlamaanka, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada iyo ku-xigeennadooda, Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Dowlad-Goboleedyada iyo ku-xigeennadooda, xubnihii hore ee soo maray Baarlamaanka, iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.







