Muqdisho (Dawan)- Turkiga waxay dowladda Soomaaliya kala hadashay dhisidda xarun lagu tijaabiyo gantaallada iyo bar laga gano dayax gacmeedyada oo ay ku yeelato gudaha Soomaaliya, sida ay ku warrameen dad arrintaan la socoda.
Barnaamijka Ankara ee ganataalaha balaastikada ah waxa uu u baahan yahay tijaabada riddada fog, halka ay Soomaaliya dhacdo ee ah cirifka bari ee barriga qaaradda Afrikana waa meel ku haboon in in gantaallada looga gano dhanka badweynta Hindiya, ayey dadkaan oo na weydiistay inaanan heybtooda baahinin mowduucan oo xasaasi ah dartiis.
"Waddanka (Soomaaliya) waxa uu u dhowyahay dhulbaraha, taasoo ka dhigeysa meel ku haboon xarun dayaxganmeed ayey ku dareen". Tijaabada meelaha u dhow dhulbaraha waxay sare u qaadeysaa riddada iyo waxgalka gantaallada hawada loo gano ee dayaxgacmeedyada xambaara.
Turkiga ayaa muddo dheer ku taamayay inuu ku biiro tartanka hawada sare ee dhaqan ahaan ay u taliyaan quwadaha caalamka, qorshaha ah inuu gantaal ganana muddo sanado ah ayuu socday. Waxayna u badan tahay in Soomaaliya laga tuuri doono. Sidaas ayey dadaasi u sheegeen Bloomberg.
“Saraakiisha Turkida ayaa aad ugu kalsoon in Soomaaliya aqbali doonto codsigaan” ayey raaciyeen. Wasiirka difaaca Turkiga wuu diiday inuu arrintaan ka hadlo.
Isballaarinta Tukiga: Meelaha ciidamada Turkigu joogaan:

La taliyaha amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya xuseen Sheekh Cali wuu diiday inuu arrintaan ka hadlo markii teleefanka lagala hadlay Talaadadii. Guddoomiyaha guddiga difaaca ee Golaha Shacabka Cabdi Axmed Kooshin wuxuu sheegay inuusan ka warheynin heshiiska noocaan ah ee Turkiga lala galay.
Turkiga ayaa ku howlan kordhinta riddada gantaalahiisa Tayfun ee gudaha lagu sameeyo oo hadda gaaraya 560 Kiiloomitir, sida uu 2022 sheegay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Xaruntaan Soomaaliya waxay meesha ka saareysaa khatarta ah inay ku dhacaan meelo la deggan yahay iyo inay gaaraan dowlado kale ayey yiraahdeen dadka xogtaan gudbiyay.
Turkiga ayaa ka mid ah quwadaha shisheeye ee fara ku tiriska ah ee xoojinaya xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya, isagoo isku dayaya inuu dib u dhis ku sameeyo, kadib sanado badan oo dagaal qabiil ah.
Tobankii sano ee la soo dhaafay, Turkigu wuxuu awoodiisa ku ballaariyay iskaashiga difaaca iyo mashaariicda kaabayaasha, wuxuuna leeyahay qorshayaal sahaminta shidaalka ah.









