Sanca (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo u diray Dr. Axmed Cawad Bin Mubaarak oo loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Yemen.
Xamasa ayaa bartiisa X ku qoray “Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedba, waxaan hambalyo diirran iyo duco u dirayaa Mudane Dr. Axmed Cawad bin Mubaarak, oo ku aaddan magacaabistiisa Ra’iisal Wasaaranimo.”
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu duceeyay inuu Ilaah la garab galo mas’uuliyadda loo igmaday isaga oo sidoo kale u rajeeyay Dowladda iyo shacabka Yemen, horumar, bashbash iyo xasillooni dheeraad ah inta uu hoggaanka u hayo.
Waa kuma Ra'iisul Wasaraaha cusub ee Yemen?
Golaha Hoggaamiya Dowladda Yemen ayaa soo saaray Isniintii wareegto madaxtooyo oo Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Cawad bin Mubaarak loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalkaas, isaga oo beddelay Ra'iisul Wasaarihii hore Maciin Cabdulmalik.
Bin Mubaarak waxa uu soo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurba joogta Yemen ilaa 2020-kii.
Axmed Cawad bin Mubaarak ayaa ku dhashay magaalada Cadan sannadkii 1968-kii, waxa uu shahaadada Master-ka iyo PHD-daba ka qaatay Jaamacadda Baqdaad, isaga oo ku takhasusay Maamulka iyo Maareynta.
2012, Bin Mubaarak waxaa loo magacaabay xubin ka tirsan guddiga loo xilsaaray diyaarinta shirweynaha wada-tashiga qaran ee loo dhan yahay, isagoo ahaa wakiil madax-bannaan.
January 18, 2013, Madaxweynihii hore ee Yemen, Cabdi Rabbuh Mansour Haadi ayaa soo saaray go’aan uu bin Mubaarak ugu magacaabay Xoghayaha Guud ee Shirweynaha Wada-tashiga Qaran ee loo dhan yahay.
June 11, 2014, Bin Mubaarak waxaa loo magacaabay Agaasimaha Xafiiska Madaxtooyada Jamhuuriyadda Yemen
Waxaa loo magacaabay Ra'iisul Wasaaraha Yemen bishii October 2014-kii, balse wuu ka cudur-daartay inuu aqbalo xilkaas kaddib markii ay kasoo horjeesteen Xuutiyiinta.
January 17, 2015, waxaa afduubtay Kooxda Xuutiyiinta, isagoo ahaa xilligaas xoghayihii guud ee guddiga diyaarinta Dastuurka, wuxuna afduubnaa ilaa 13 maalmood.









