Hargeysa (Dawan)- Muuse Biixi ,Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe ayaa mar kale isku arki doono tartanka doorashooyinka Somaliland kadib markii xisbiyadu ay u gudbiyeen musharraxnimadooda Komiishanka doorashooyinka qaran ee Somaliland.
Maalinkii Khamistii ee 12-ka September 2024 ayaa ku ekeed muddadii loo qabtay in ugu dambeys lagu soo gudbiyo musharrixiinta u tartameysa xilka madaxweynaha.
Seddexda Musharrax ee ay gudbiyeen xisbiyada Kulmiye, Waddani iyo UCID ee Somaliland ayaa haddii ay ka soo gudbaan shuruudaha musharraxnimo ee doorashooyinka waxay ka dhignaan doontaa in ay is arkaan mar kale musharraxiintaan doorashada la qorsheeyey in dhacdo 13-ka November 2024 .
Musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha sanadkan ayaa ah Muuse Biixi Cabdi , madaxweynaha talada haya, oo mar labaad u tartamaya isagoo ka socda xisbiga Kulmiye.
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo ka socda xisbiga Waddani, wuxuuna hore u ahaa guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland
Faysal Cali Waraabe oo ah musharraxa xisbiga UCID waa musharraxa kaliya ee doorasho kasta ka qeybgalay tan iyo doorashadii ugu horreysay ee Somaliland ee 2003.
Madaxweynaha Somaliland waxaa la doortaa muddo 5 sano ah, taas oo lagu saleeyo dastuurka Soomaliland u dagsan.








