Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay garbihiisa taaganyihiin labada Guddoomiye ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi ayaa qalinka ku duugay sharciga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee burinta is-afgaradka Dowladda Itoobiya iyo Somaliland
Qoraal kasoo baxay Villa Somalia, saxiixa kadib ayaa lagu yiri "Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in sharcigan uu yahay mowqifka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, farriin adagna u yahay cid kasta oo naawilaysa in ay boobto dhulka, badda iyo hawada shacabka Soomaaliyeed"
Madaxweynaha ayaa ku ammaanay wakiilada shacabka Soomaaliyeed ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare doorka taariikhiga ah ee ay ka qaateen difaaca dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed iyo madaxbannaanida dalka, ayaa la raaciyay qoraalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed ugu baaqay in xoojiyaan midnimadooda marxaladdan taariikhiga ah, ayna kala saaraan arrimaha siyaasadeed ee laga heshiin karo iyo arrimaha masiiriga ah ee taabanaya mustaqbalka ubadka iyo jiritaanka Soomaaliya.
Muxuu yahay Xeerka uu saxiixay Madaxweyne Xasan?
Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa 2-dii January meel mariyay Xeer lagu burinayo heshiiskii is-afgradka Badda ee Magaalada Addis Ababa ku dhax maray Dowladda Itoobiya iyo Somaliland.
Xeerkan ayaa ka kooban todobo qodob balse waxaa ugu muhiimsan inuu waxba kama jiraan ka dhigaya heshiiskii is-afgarad ee dhexmaray Dowladda Ethiopia iyo Somaliland ee Jannaayo 1, 2024 lagu gaaray Magaaladda Adis Ababa, maadaama uu ka hor imaanayo Dastuurka Dalka, Shuruucada Caalamiga ah, Qaraarrada Caalamiga ah ee Golaha Ammaanka oo xeerinaya madaxbannaanida Dalka, iyo Xeerka Maalgeshiga Shisheeye Soomaaliya iyo shuruucda kale.
Xeerka waxa uu sidoo kale leeyahy, Heshiis kasta oo Caalami ah waxaa Soomaaliya u geli kara oo keliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed ayadoo sharci ahaan loo soo marsiinayo Hay’adda Sharci dejinta uuna Madaxweynaha ku meelmariyo xeer madaxweyne si waafaqsan Qodobka 90(q) ee Dastuurka KMG ah laguna soo saaro Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.








