Muqdisho (Dawan)- Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa u dabaal degaya sannad guuradii 50-aad ee kasoo wareegtay marki ay labada Dowladood yeesheen xiriir diblomaasi oo rasmi ah, taariikhdu marka ay ku beegneed 3-February-1974-tii.
Xiriirka ka dhaxeeya labada dhinac ayaa isagu jira dhinacyo kala duwan , sida arrimaha siyaasadda, iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga, gargaarka bini'aadantinimo iyo horumarinta maalgashiga.
Xiriirka Soomaaliya iyo Qatar oo ah mid taariikhi ah, wuxuu ku saleysnaa tan iyo markii uu billaawday tiirar aasaasi ah oo ka tarjumaya mabda’a iskaashiga dhinacyada kala duwan, xiriir walaaltinimo oo xooggan, iyo isku xirka iyo xoojinta dhaqanka ay wadaagaan labada shacab.
Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxay Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Qatar, xiriirka ka dhaxeeya labada Dowladood ayaa xoogeystay iyada ay sabab u ahaayen laba arrin oo kala ah;
1- Taageerada aan kala joogsiga lahayn ee ay Dowladda Qatar la garab taagneed Soomaaliya, iyada oo ka kaalmeysa dhinacayda amniga, xasiloonida, kobaca dhaqaalaha, barnaamijka deyn cafinta, taageeridda mashaariicda horumarinta, gargaarka bini aadantinimo iyo dayactirka xarumaha Dowladda.








