Washington (Dawan)- Kadib marki Joe Biden uu isaga haray tartanka doorashada madaxtinimada Mareykanka, waxaa gudaha xisbiga Dimuquraadiga ka billoowday ololaha mushariixi bedeli lahaa, inkasta oo Biden uu doortay ku xigeenkiisa Kamala Harris.
Harris waxay loollan adag kala kulmi doonta siyaasiyiin kale oo magac ku leh gudaha xisbiga sida Gavin Newsom oo xukuma California, Gretchen Whitmore oo xukunta gobolka Michigan iyo Josh Shapiro oo madax ka ah Pennsylvania.
Harris... Madaxweyne ku xigeenka
Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa u muuqata inay geli doonto booski uu banneeyay Biden. Waxa ay garab taagneed tan iyo markii loo dhaariyay Madaxweynaha Mareykanka bishii January 2021, waxeyna fikrad fiican ka haysataa siyaasadda xisbiga iyo xaalka ay maanta dunida mareyso.
Harris waa 59 jir, waxaana iska dhalay aabe Jamaican ah iyo hooyo Hindi ah, waxay ahayd qofkii ugu horreeyay ee madow ah iyo haweeneydii ugu horreysay ee qabta jagada Xeer Ilaaliyaha Guud ee Gobolka California, waxayna sidoo kale ahayd Senator-kii ugu horreeyay ee Mareykan ah ee asal ahaan kasoo jeeda Koonfurta Aasiya.
Inaas kuma joogsanine, waxay hadda tahay haweeneydii ugu horreysay iyo qofkii ugu horreeyay ee madow ah ee qabta xilka madaxweyne ku xigeenka Mareykanka.
Rajada laga qabo in la doorto haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ka noqota Mareykanka ayaa laga yaabaa inay kiciso dareenka dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka, taas oo keeni karta inay si ballaaran uga qayb qaataan codbixinta.
Dadka madowga ah ayaa sidoo kale laga yaaba inay garab istaag u muujiyaan gabadha madow sida ay Obama ugu hiilliyeen waayihiisi, waxaana suurtagal ah haddii loo magacaabo musharraxnimada xisbigeeda inay codad badan ka hesho gobolada muhiimka ah, sida North Carolina, Pennsylvania, Michigan, iyo Nevada.
Caqabadaha ay la kulmi karto, waxaa ka mid ah cunsiriyadda loo qabo daka madowga ah iyo salluuga ay dad badan oo Mareykan ah ka qabaan inay haweeney noqoto Madaxweyne.

Newsom… Guddoomiyaha California
Gavin Newsom waa nin magac ku dhex leh xisbiga Dimuquraadiga, waana siyaasi ay dad badan u caleema saareen inuu noqdo madaxweyne ku xigeen. Aad ayaa looga qaddariya Xisbiga, wuxuuna ku muteysay awoodda uu u leeyahay abaabulka, qancinta taageerayaasha iyo isku dubaridka ololaha doorashooyiinka, wuxuuna maamula gobolka California, oo kaalintaad shanaad ugu jira dhaqaalaha adduunka.
56-jirkan Dimuqraadiga ah ayaa horey u ahaan jiray duqii hore ee San Francisco, balse shantii sano ee lasoo dhaafay wuxuu Guddoomiye ka ahaa California oo hooy u noqotay dumarka doonaya inay iska soo xaaqaan ilmaha.
Newsom waxa uu si adag u taageeray Biden, isaga oo kasoo horjeeday inuu ka haro tartanka laakin ma aha siyaasi qarsada hankiisa ku aaddan madaxweynanimada.











