Addis Ababa (Dawan)- Muddadii loogu tala galay soo gudbinta murashaxiinta xilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika oo ku ekeed 6-dii bishan August, waxaa magacyadooda soo gudbiyay kaliya afar murashax oo ka kala socda dalalka Jabuuti, , Kenya, Mauritius, iyo Madagascar kuwaas oo doonaya inay qabtaan xilka ugu sarreeya ee Midowga Afrika.
Ururka qaarareedkan oo ka kooban 55 waddan, ayaa shir madaxeedka bisha February qaban doona tartanka lagu dooranayo mas'uulka beddeli doona Muusa Faki oo hadda ah guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.
Sanadkan, kaltanku waxa uu u gaaryahay murashaxiinta ka socda Bariga Afrika, waxaana xilka laga soo wareejin doona siyaasiga ruug-caddaaga ah ee u dhashay Chad kaas oo xilka hayay tan iyo sannadkii 2017.
Maxamuud Cali Yuusuf- Jabuuti
“Anigu waxaan ahay murashaxa kaliya ee awooda in uu isku hayo gobolada kala duwan ee Afrika, inkasta oo aan ku hadlo luqadda Faransiiska, hadana sidoo kale, waxaana ku hadla luqadaha English-ka iyo Carabiga” ayuu yiri murashaxa Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.
Maxamuud Cali Yuusuf oo 58 jir ah, waxa uu shaqada dowladda bilaabay ka dib markii uu shahaadada jaamacadeed qaatay, isaga oo u safray dalka Faransiiska si uu sii wato waxbarashadiisa luqadaha ajnabiga ah.
Waxa uu soo qabtay jagooyin dhawr ah oo heer wasiiro ah, gaar ahaan wasiiru dowlaha iskaashiga caalamiga ah oo loo magacaabay sannadkii 2001, ka dibna wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah May 2005.
Sannadihii 2008, 2011, 2013, 2016 iyo 2019 ayaa dib loogu cusbooneysiiyay jagada Wasiirka arrimaha dibadda, iyada oo loogu lamaaniyay inuu noqdo afhayeenka xukuumadda.
Khibradiisa diblomaasiyadda mar uu ka hadlayay waxa uu yiri; ” In ka badan 30 sano, waxaan ku lug lahaa diblomaasiyadda dalkayga iyo sidoo kale fagaarayaasha gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Waxaan si aan leexleexad lahayn u caddayn karaa inaan qiimo weyn u noqon karo Midowga Afrika”

Raila Odinga- Kenya
Ninka ay sida weyn ula loolamaya Maxamuud, waa hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga oo 79 jir ah kaas oo isku dayay shan jeer kuna guul dareystay inuu madaxweyne ka noqdo Kenya.
Isku daygiisi ugu dambeeyay waxa uu ahaa doorashadii 2022-ka oo uu kaga guuleystay William Ruto.
Odinga waxa uu sannadihiisii ugu horreeyay siyaasadda ku qaatay xabsi ama dibad-joog, wuxuuna u dagaallamay dimoqraadiyadda xilligii uu xukunka Kenya hayay madaxweyne Daniel Arap Moi.
"Waxaan xooga saaraya inaan kursiga ku soo celiyoo Kenya oo aan u adeego dadka Afrikaanka ah," Odinga ayaa bartiisa X ku qoray bishii hore xilli uu ku dhawaaqayay inuu yahay murashaxa rasmiga ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.
Raila Odinga wuxuu dhashay Maseno sannadkii 1945, waana ganacsade iyo siyaasi Kenyan ah oo soo noqday ra'iisul wasaaraha dalkaas (2008-2013)











